Goobo Ganacsi oo Caawa lagu boobay Wadanka Koofur Afrika.

Goobo Ganacsi oo Caawa lagu boobay Wadanka Koofur Afrika.

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Wadanka Koofur Afrika ayaa sheegayaa in ku dhawaad 18-Dukaan lagu boobay taniyo Xalay Tuulo 40-Km u jirta Magaalada Cape town ee Dalka Koofur Afrika, Waxaana lasoo sheegayaa in Kooxaha dhaca geystay ay Dileen Mid kamid ah Ganacsatada Goobihii la dhacay.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee Koofur Afrika ayaa Mustaqbal u sheegay in goobo ganacsi oo fara ku tiris ah ay ka badbaadeen dhaca loo geystay Goobaha ganacsiga ee gaaraya 18-ka, Ciidamo katirsan Booliiska Koofur Afrika ayaa ku baxay Tuulada dhaca loogu geystay Dadka Soomaalida.

Waxaa sii Xoogeysanaya Weerarada lagu hayo Goobaha Ganacsiga ee Soomaalida oo Muddooyinkii dambe Yaraa dhaca iyo Dilka loo geysanayo Dhalinyarada Soomaalida ah iyo Goobahooda Ganacsiba.

Dowladda Koofur Afrika ayaa dhawaan iska fogeysay in dadka Soomaalida ee kunool wadankeeda ay la kulmaan Dhibaatooyin Lahji Naceyb ah, waxayse sheegtay in Ajaanibta oo idil ay la kulmaan Weeraro ay sheegtay in aysan sidaa u badneen.

Ka sokoow Dhaca loo geysanayo Goobaha Ganacsiga ee Soomaalida Koofur Afrika kunool, waxaa jira waxyeelo kasoo gaarto weerarada Goobaha ganacsiga lagu gubo, Dhalinyarada qaar ayaa Lixaadkooda ku waayey, kadib markii dab lagu qabadsiiyey iyagoo ku jira goobahooda ganacsi, halka qaarkood Manqaro ama Rasaas lagu dhufto (Lala dhaco) ay dhaawacyo kasoo gaarto, tiro kalane waaba ay u geeriyoodaan dhaawacyadaasi.

Badi Goobaha Ganacsiga ee Soomaalida kunool Koofur Afrika ayaa boobka loo geystayaa Xiliyada dalkaasi ay ka jiraan Dibad baxyada Rabshada Wata.

La soco wixii kasoo kordha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada