Daawo: C.kariim Guuleed oo ka hadlay Arinta Qalbi-dhagax, Kana Jawaabay Go’aan kasoo baxay golaha Wasiirada

Daawo: C.kariim Guuleed oo ka hadlay Arinta Qalbi-dhagax, Kana Jawaabay Go’aan kasoo baxay golaha Wasiirada

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay go’aanka Gollaha Wasiirada ee lagu sheegay in heshiis la saxiixay 2-dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal.

” Go’aanka Golaha Wasiirrada manta ka soo baxay Waa mid aad u cajiib badan khalad wayn oo ay galeen sidii loo daawayn lahaa in laga hadlo ayey ahayd” Ayuu yidhi.

Go’aanka dawladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in Heshiiskan ay Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.


“Heshiiska aan Ku xusnahay ee aan soo galay waxaa uu ahaa heshiis habar gidir iyo Ugaadeen islaayey sidii logu heshiinayey dowlada Federalka ahna ma matalayn ee waxaan matalayey Galmudug 2 maalmood ayuu heshiiskaygu hakad ugu jiray in aan ONLF Aragagixiso u aqoonsada waana diidnay waxaana u aqaan ururkaas xornimo u dirir ayaan u aqaan go’aanka golaha wasiirada waa nin daad qaaday xunbo cuskay.” Ayuu yidhi Guuleed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada