Faarax Macallin oo dacwad ka gudbiyay Aadan Barre Ducaale

Faarax Macallin oo dacwad ka gudbiyay Aadan Barre Ducaale

daajis.com:-  Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin ayaa dacwad rasmi ah u gudbiyay Maxkadda sare ee Dalka Kenya taas oo uu ku doonayo in Maxkamadda ku laasho natiijada Kursiga Gaarisa ee uu dhawaan ku guuleystay Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya.

Faarax Macallin ayaa Maxkamadda ka codsaday in muddo 48 Saacadood ah amarto baabi’inta natiijadaas sidoo kalena ay Guddiga doorashada amraan in dib loogu laabto sidoo kalena la diiwana geliyo Sanaadiiqdii codbixinta ee ka dhacday Gaarisa.

Faarax,waxaa uu sheegay in natiijada ay shaaciyeen Guddiga doorashada Kenya ee doorashadii dhacday 8 ddii August ay ahayd been abuur islamarkaana ay doorashada ahayd mid ku shubasho ah.

Maxkamadda sare ee Dalka Kenya ayaa 1dii bishan laashay natiijada doorashadii la shaaciyay in uu ku guuleystay Huru Kenyatta waxaana Maxkamadda sare ee Kenya amartay in doorashadaas dib loogu laabto.

Guddiga doorashada Kenya ayaa ku dhawaaqay in doorashada ku celiska ah kaliya ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha hadda haya iyo Raila Odinga oo kaliya,taas oo ka dhigan in doorashada oo dhan aan lagu laaban doonin.

Faarax Macallin ayaa doonaya in Kursiga Gaarisa ee ay isaga iyo Aadan Barre ku tartameen lagu celiyo si uu mar kale u tijaabiyo codbixinta Dadka Gaarisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada