Jubeyri: Sii taagnaanta arrinta Qadar dhib ma laha, isu soo dhowansho Iiraan & Sucuudina waa wax lagu qoslo!

Jubeyri: Sii taagnaanta arrinta Qadar dhib ma laha, isu soo dhowansho Iiraan & Sucuudina waa wax lagu qoslo!

daajis.com:- Wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Sucuudiga Caaddil Aljubeyri; ayaa kuu tilmaamay ka hadalka isku soo dhowaansho dhexara Iiraan iyo Sucuudiga arrin lagu qoslo.

Waxaa uu sheegay in xiriirka dibloomaasiyeed ee dhexmaray Sucudiga iyo Iiran in uu ku koobnaa oo  keli ah sidii loo dhammeystiri  lahaa howlaha Xajka, sida ay warbaahinta Sucuudigu ku warrantay.

Caaddil Jubeyri; oo suxufiyiinta kula hadlayey safaaradda Sucuudiga ee London; ayaa sheegay in Iiraa wax ka bedesho siyaasaddeeda haddii ay dooneyso in la isu soo dhowaado, waxa uu intaas ku daray in marka la joogo gudashada waajibka Xajka aanay boqortooyadu dooneyn in ay siyaasadeyso, taasina aanay ka dhignayn isu soo dhowaansho.

Bahraam Qaasimi; oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in Rayaad iyo Dahraan is weydaarsadaan dhowr wafdi oo Sucuudi iyo Iiraan ah, kuwaas oo booqday islamarkaana u kuurgalay meelaha ay kala deggan yihiin ergooyinka labada waddan ee magaalooyinka Dahraan iyo Rayaad.
Iiraan iyo Sucuudiga ayaa is dhaafsaday eedo kulul oo ku saabsan in midba kan kale ku eedeeyeyin uu calwinayo nabadgelyada gobolka.


dibadbaxayaal ka cabanayey dilka Sucuudigu ku fuliyey Sheekh Nimir; oo kamid ahaa muslimiinta Shiicada Sucuudiga

Dil boqortooyada Sucuudigu ku fulisay wadaad la dhihi jiray Nimra oo kamid ahaa muslimiinta Shiicada Sucuudiga ayaa sababay in uu xumaado cilaaqaadka labada dal

Bishii tagtay ee January;  ayaa dad ka careysa go’aanka Sucuudigu ku qaarajiyey Nimri; waxa weerar ku qaadeen dhismaha safaaradda Sucuudiga ee Iiraan; taas oo sababtay in Sucuudigu gooyo xiriirkii uu la lahaa Iiraan, sidaas oo kalana waxa uu sameeyey olole ka dhann ah Iiraan; si waddamo kale ay xiriirka ugu jaraan Iiraan; waddamadaas qaatay soo jeedinta Sucuudiga waxa kamid ah Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada