DAAWO: Gabooye Maxaa loo Guursan waayeu, Warbixin xiiso badan

DAAWO: Gabooye Maxaa loo Guursan waayeu, Warbixin xiiso badan

daajis.com:-  Guurka Soomaalida ayaanan ahayn oo keliya xiriir u dhaxeeya arooska iyo aroosadda balse sidoo kale waxa uu yahay xiriir u dhaxeeyo qoysas iyo qabiilo.

Bulshada Soomaalida dhexdeeda ayaa isdhexgalka guurka ku xidida, balse xaaladda qabiilka Gabooyaha ayaa ka bedalan.

Qofkii ka guursadana waxa uu halis ugu jiraa in la deyriyo.

Sahra oo aanan aheyn magaceeda dhabta ah, ayaa waxa ay jeclaatay wiil gabooye ah 18 sano ka hor.


Guurkeeda looma arkin mid lagu farxay oo mudan in loo dabaaldego balse waxaa loo arkay mid ceyb iyo sharaf dhac ah.

“Maalmo kaddib markii aan dhalay, waxaan aaday dukaanka, waxaase isoo ceersaday shan dumar ah, markii hore waa ay I qaban waayeen, balse waan kufay, kaddibna waan miyir daboolmay, shan maalmood ayuuna miyirka iga maqnaa” ayey tiri Sahra.

Qabiilkan oo inta badan wajaha dulmi iyo takoor dhanka dhaqaalaha ah, ayaa haddana waxa uu qabtaa farsamooyin kala duwan oo ah kuwa Soomaalidu ka faanaan.

Todobaatameeyadii, Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, ayaa soo saaray sharci diiday faquuqa ka dhanka ah qabiilada laga tira badan yahay.

Arrintaas ayaa waddada u xaartay guurka labo ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Soomaalida, waa Maryan Mursal, oo ka soo jeeda qabiilka Gabooyaha iyo Axmed Cali Cigaal oo kasoo jeeda beelaha kale ee Soomaalida.

Maanta Maryan waxa ay ku nooshahay London, waxa ay aaminsan tahay in ay tahay waqtigii dadkeeda ay u istaagi lahaayeen cadaalad darada ay wajaheen.

“Haddii aad madaxaada kor gayso, waxaa laguula dhaqmaa si habboon, haddiise aad isliidid waxaa laguula dhaqmaa six un. Sidaas darteed waxaan ka codsanayaa bulshadeenna in ay u istaagaan xaqooda, naftoodana ku kalsoonaadaan si ay usoo ceshadaan qabkooda iyo aqoonsigooda” ayay tiri Maryan Mursal.

Ninka lagu magacaabo Ismaaciil waa qof kale oo Gabooyaha ka tirsan oo London ku nool, waxana uu yiri “Gabadhayda iyo nin yar ayaa is caashaqay, ka hor intii aysan bilaabanin xafladii meherka waxa ay na weeydiiyeen qabiilkeena, waxaan u sheegay in aan Gabooye nahay, waxayse noo sheegeen in aysan ka guursanin Gabooyaha, waxayna nagu yiraahdeen aan dib u kulano, waa arrin aad niyad jab u ah oo bini’aadanimada ka baxsan.

Dad badan oo ka tirsan bulshada Gabooyaha ayaa bilaabaya in ay u dagaalamaan xuquuqdooda, arrimaha ayaana si tartiib ah isku badalaya.

Balse ma fudada qarniya badan oo ay soo socdeen faquuq in la soo afjaro.

Waalidiin badan sida Sahra oo kale oo ku nool Hargeisa iyo Cabdi oo ku nool London ayaa ku dadaalaya in ay ka ilaaliyaan caruurtooda faquuqii ay la soo kulmeen.

Balse waxa ay sidoo kale ogyihiin in badalitaanka dhaqan soo jireen ah ay qaadaneyso muddo dheer.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada