DAAWO: Haweenka Dalka Tunisia oo Loo fasaxay in ay Guursan Karaan Ragga aan Muslimka ahayn

DAAWO: Haweenka Dalka Tunisia oo Loo fasaxay in ay Guursan Karaan Ragga aan Muslimka ahayn

daajis.com:- Dowlada Tunisia ayaa baabi’isay sharci ka mamnuucayay haweenka inay guursan karaan rag aan Muslim ahayn iyadoo sharcigaasna uu yahay mid ka horimanaya shareecada Islaamka.

Afaheen u hadashay Madaxweynaha Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa ku dhowaaqday go’aankan iyadoo ugu hambalyeysay haweenka inay heleen xornimada ay qofkii ay doonaan ku guursan karaan.


Ragga aan Muslimka ahayn ayaa shareecada Islaamka qabtaa inaysan guursan Karin gabdhaha Muslimiinta ah hase yeeshee go’aanka ka soo baxay dowlada Tunisia oo boqolkiiba 99 dadka ku nool ay yihiin Muslimiin ayaa haatan u baahan doonin raga aan Muslimka ahayn inay soo islaamaan kahor inta aysan guursan gabar Muslimad ah.

Wadanka Tunisia ayaa noqonaya dalkii ugu horeeyay ee Islaam ah oo sharcigan dhaqan geliya,waxaana dadka ku nool dalka Tunisia ka mid ah dad Yuhuud ah iyo tiro aad u yar oo ah Masiixiyiin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada