Daawo Muuqaal: Gudoomiyaha Golaha AQALKA Sare oo Sheegay in ay Go,aan Ka Qaadanayaan arrinta Qalbi-Dhagax

Daawo Muuqaal: Gudoomiyaha Golaha AQALKA Sare oo Sheegay in ay Go,aan Ka Qaadanayaan arrinta Qalbi-Dhagax

daajis.com:- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalinta berri ka doodi doona arrinta ku saabsan C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), kaasoo 6-dii bishan Xukuumadda ka soo saartay go’aan, kaddib markii bishii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.


Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Joogtada Aqalka sare ayaa lagu go’aamiyay in Goluhu uu go’aan ka soo saaro arrintan cakiran ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u taallo go’aan ka gaarideeda.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Goluhu uu go’aan ka soo saari doono sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankii Xukuumadda.

“Ajandahaha Guddiga joogtada uu ka hadlay waxa weeye ka doodista go’aankii Xukuumadda ay gaartay ee ku saabsanaa u gudbinta C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ee Itoobiya loo gudbiyay iyo Xukuumadda go’aanka ay ka soo saartay weeye, kaas aan rabno inaan Aqalka geyno, waxaana ka soo saari doonaa go’aan sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankaas xukuumadda ay gaartay”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi oo la hadlayay Wariyeyaasha markii uu soo dhamaaday kulanka Guddiga joogtada.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay kulan ay kaga doodi lahaayeen arrinta C/kariin Qalbi Dhagax ayaa waxaa uu u baaqday kooram la’aan, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen Tiradii loo baahnaa ee uu kulanka ku furmi lahaa.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada