DAAWO: Xildhibaanada DF-Somalia oo isku Khilaafay Arinta Qalbi-dhagax Iyo Siday uga hadleen Xiisada ka dhalatay

DAAWO: Xildhibaanada DF-Somalia oo isku Khilaafay Arinta Qalbi-dhagax Iyo Siday uga hadleen Xiisada ka dhalatay

daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta sarkaal ka tirsan Jabhada ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), kaasi oo la sheegay Dowladda Soomaaliya in ay ku wareejisay Itoobiya.


Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay arrintan in ay tahay mid musiibo ah oo shacabka Soomaaliyeed ay dareen gaar ah ku reebtay, Wuxuuna sheegay inay qalad tahay muwaadin Soomaaliyeed in Dowladda ay ku wareejiso Itoobiya, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Dowladda ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta hantida shacabka iyo jiritaankooda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay Itoobiya in ay xaq u leedahay in ay raadsato Qalbi-Dhagax, maadaama uu la dagaalamayay, balse marna aanan la dooneyn in dalka uu u burburo arrinta ku saabsan Jabhada ONLF. “Soomaaliya ONLF ma ahan, Soomaaliya dal burburay oo aan rabno siyaasidiisa inuu soo kabto waayo, Inaan amnigeena gacanta ku qabano waaye, laakiin dano ONLF ah dalkeena uma burburineyno annaga” ayuu yidhi.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa 23-kii bishan waxa ay howlgal ku soo qabteen C/kariin (Qalbi Dhagax), kadibna Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxa ay keeneen magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada