MUUQAAL: Kulankii Baarlamaanka oo maanta looga hadli lahaa arrinta Qalbi-Dhagax oo Kooram La’aan u Baaqday

MUUQAAL: Kulankii Baarlamaanka oo maanta looga hadli lahaa arrinta Qalbi-Dhagax oo Kooram La’aan u Baaqday

daajis.com:-Kulankii Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee lagu waday in looga hadlo arrinta C/kariin Qalbi Dhagax ayaa kooram la’aan u baaqday, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka ay soo xaadiri waayeen.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday, isla markaana uu kooramka uu buuxsami waayay.

Guddoomiye Jawaari ayaa aad uga carooday in kulanka uu kooram la’aan u furmi waayo, waxaana uu digniin u diray Xildhibaanada xarunta yimid ee aan saxiixin buugga diiwaanka.

Sidoo kale baaqashada kulanka ayaa saameyn ku yeeshay xirnaanshaha waddooyinka oo saaka la soo dhoobay ciidamo isugu jira boolis iyo milateri.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo horjeeda go’aanka Xukuumadda ayaa ku doodaya in arrintan ay aheyd qorshe ku tala gal ah oo looga gol lahaa in lagu baajiyo kulanka.

Warar kale ayaa sheegaya in baaqashada kulanka ay tahay qorshe Xukuumadda wadatay, si kulanka maanta aanu u qabsoomin, isla markaana loo helo fursad ololaha lagu sii wado, si loo kala fur furo Xildhibaanada ka soo hor-jeeda go’aanka Xukuumadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u muuqda inay arrintan Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee loo gacan geliyay Itoobiya isku khilaafsan yihiin, waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay dhaliso doodo adag oo uu Baarlamaanku ku kala qeybsamo


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada