MUUQAAL: Kuuriyadda Waqooyi oo mar Kale Gantaal culus Dul marisay Dalka Jabaan iyo Xiisad Cirka gashay

MUUQAAL: Kuuriyadda Waqooyi oo mar Kale Gantaal culus Dul marisay Dalka Jabaan iyo Xiisad Cirka gashay

daajis.com:- Waqooyiga Kuuriya ayaa gantaal ay riday dul marisay Hawada Japan, taasoo ah daandaansigii labaad ee noociisa ay todobaad gudahood dhacda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Kuuriya ayaa sheegay in gantaalkan uu masaafo ahaan gaarayay 770km, isla markaana uu jaray xawaare gaaraya 3,700km, ka hor inta uusan ku dhicin badda hokkaido.


Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in dalkiisu uusan marnaba u dulqaan doonin ficilada halista ah ee ka imaanaya waqooyiga Kuuriga.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa cambaareeyay gantaalka ay ridday Waqooyiga Kuuriya.

Golaha Ammaanka ayaa dhowaan cunaqabateyn cusub ku soo rogay Waqooyiga Kuuriya, taasoo jawaab u ah tijaabinta gantaalada.

Waqooyiga Kuuriya ayaa ka dhega fureysatay baaqyada beesha caalamka ee ku aadan inay joojiso horumarinta barnaamijkeeda Nuclear iyo tijaabinta gantaalada.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada