Sawirro: DF oo diyo ka bixisay weerarkii ay NISA ku qaaday dad u dashay beesha….

Sawirro: DF oo diyo ka bixisay weerarkii ay NISA ku qaaday dad u dashay beesha….

daajis.com:-  Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. Jimcaale Cirfiid ayaa shalay lacag diyo magdhaw ah u qeybiyay ilaa toddoba qoys oo ay kaga dhinteen dad shacab ah, dagaalkii sabtidii ay ciidamada NISA ku soo qaadeen xaafadda Haanta Dheer ee degmada DayniileMarka laga reebo lacagta la qeybiyey ee diyada ah, haddana dowladda ayaa ilaa iyo haddeer ka hadal falkii lagu argagixiyay shacabka iyo qoysaskii ciidamada qalabka sida oo shalay subax ku waaberiistay madaafiic iyo xabbado.

Dowladda waxa ay sheegtay in la baarayo ujeedada iyo cidii amartay weerarkii Haanta Dheer ee dhimashadda iyo dhaawaca sababay.

Weli si rasmi ah looma shaacin lacagta la bixiyey ee diyada ah inta ay la eg tahay, hase yeeshee sawirro la shaaciyey ayaa muujiyey inay ahayd lacag aad u yar.

Siyaasiyiinta, Xildhibaanada beesha Habar Gidir ayaa ilaa hadda aanan ka hadal falkan, maadaama dadka la weeraray ay u dhasheen beeshaas, inkasta oo ay goob joog ka ahaayeen kulanka lacagta lagu bixiyey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada