Daawo:- RW. Kheyre “Dad baa diidan Horumarka Ummadda Soomaaliyeed

Daawo:- RW. Kheyre “Dad baa diidan Horumarka Ummadda Soomaaliyeed

daajis.com:- Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maanta booqday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Sugaanta ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda hormarka umadda Soomaaliyeed iyo dowladda intaba ku tallaabsadeen.


‘”Maata dad baa diidan hormarka umadda Soomaaliyeed, waxaad ogaataan wax kasta oo wanaagsan oo la qabanayo maanta dad beysan u muuqan Karin, qaarkeen waa in ay u muuqtaan waxa dadka kale aysan u muuqan, xukuumada iyo dowladda uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa u muuqda wax badan oo mustaqbalka aad arki doontaan’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre oo khudbad ka jeedinayay xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ee uu xilka la wareegay wuxuu soo saaray wareegto ku aadaneyd in dhammaan Hay’adaha Dowladda ay ahmiyadda koowaad siiyaan Afka Soomaaliga, waxaana xarunta Akadeemiyadda lagu tilmaamaa meelaha laga nooleeyo ama laga kobiyo afka Soomaaliga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada