daajis.com:- Siyaabo iyo sababo kala duwan ayaa loo adeegsan karaa farriimaha,waana qaabka ugu wanaagsan ee la’isku salaamo.
Farriimahan hoose waxaad u adeegsan karaa qof waliba oo uu wanaag kaala dhaxeeyo ama aad xitaa aqoon u leedahay.
Haddii aad qoraalladan u direyso Jaceylkaaga,kadibna waxaad ku darsan kartaa erayada macan,sida, Waan ku jeclahay,Xayaati, Qalbi,Ruuxi,Dhiigga,Nafta. IWM.
Fariimo macaan oo subaxii loo diro Jaceylkaaga.
# Habeenkii wuu tegay,subaxiina wuu yimid.Kabbo oo Cab, koob Qaxwo ama Shaah ah.Subax wacan.Waan kula jiraa.
# Jaceylkeygu wuu sii koraa maallin walbo oo dhammaataba. ii oggolow,inaan kuu rajeeyo subax wanaagsan.
# Subax kasta waxaa uu la yimaadaa rajo iyo riyooyin cusub.Maalin guul wadata ayaan kuu rajeeyay.
# Subax wanaagsan.Waxaan kuu rajeynayaa maalin qurux badan.Inaad dhoolo-caddeyn ku waarto ayaan filayaa.
# Waxaan ku soo dirayaa shumis iyo habsiin badan oo lagu laray diirammaad jaceyl leh.Subax wanaag oo dhan wadata ayaan kuu rajeeyay.
# Subax kasta kahor inta aan kala qaadin indhaheyga,waxaan arkaa adigoo dhex-jiifa maanekyga,taas ayaana iga caawisa inaan kala qaado indhaha oo aan helo tamar badan.Waxaad sabab u tahay inaan noolaado.Waan ku jeclahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at