SAWIRRO: Qoys daryeel caafimaad ku helay ololaha doorashada Hirshabelle

SAWIRRO: Qoys daryeel caafimaad ku helay ololaha doorashada Hirshabelle

daajis.com:- Mid kamid ah musharaxiinta u tartamaysa doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ololohiisa doorashada waxa uu ku biiriyay daryeel caafimaad oo qoys Soomaaliyeed wax loogu qabtay.

Arrintan oo ah mid ku cusub ololayaasha doorashooyinka dalka ka dhaca ayaa noqotay mid dadku aysan hore u fileyn waayo waxaa lagu ogyahay inta badan siyaasiyiinta inay qarashaadka ololaha ay ku bixiyaan xayaysiinada iyo lacago ay siiyaan xildhibaanada soo dooranaya.

Hase yeeshee ololaha doorashada ka socota magaalada Jowhar ayaa waxaa daryeel caafimaad ka helay hooyo iyo gabadheeda oo saddex jir ah.

Hooyada gabadhan ayaa caloosha biyo ugu jireen halka gabadheeda yarna ay la xanuunsanaysay nabar ugaga soo baxay gacanta oo wax loogaga qaban waayay magaalada Jowhar.

Balse markii ay dhalinyaro reer Jowhar ay u tageen Musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo kamid ah musharaxiinta u tartamaysa doorashada Hirshabelle una sheegeen xaalada qoyska ayuu u ballanqaaday inuu ka bixinayo dhammaan qarashaadka ku baxaya gabadha iyo hooyadeed sida uu xaqiijiyay Siciid Isaaq Cumar oo ah nin dhalinyaro ah oo u dhaqdhaqaaqa gargaarka dadka taagta daran.
“Musharax Daahir Cabdulle waxa uu bixiyay lacag dhan $1,000, waxana uu ballanqaaday inuu bixinayo dhammaan qarashka ay qoyska u baahdaan inta la daweynayo waxaana aan geynay isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho xaalada hooyada iyo gabadheedana way ka soo reynayaan.”ayuu yiri Siciid Yare

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada