Socdaalkaygii Buurta Gacan Libaax iyo Waxyaabihii i soo jiitay –

Socdaalkaygii Buurta Gacan Libaax iyo Waxyaabihii i soo jiitay –

daajis.com:- Socdaalkaygii Buurta Gacan Libaax iyo Waxyaabihii i soo jiitay – W/Q. Abdurrahman ” fanax Fariid”
Maalin kasta oo timaaddaa waxa ay leedahay waayo aragnimo iyo aqoon kuu kordhaysa, iyada oo maalmaha adduunyada inta aad ku nooshahay ku

soo maraana kala tilmaaman yihiin, kuwaasi oo ayaamaha qaarkoodna ay si gaar ah xusuusta maskaxdaada ugu tilmaaman yihiin.

25 ilaa 26 Bisha Abril sanadka 2013 waxa ay ahayd maalmo aanu aqoon korodhsi annaga oo ah ardeyda Kulliyadda deegaanka Jaamacadda Hargeysa ugu baxnay Buurta Gacan Libaax oo ka mid ah buuraha ugu joogga sareeya Somaliland, taasi oo ay Buurtu joogga ay dhulka ka sarrayso lagu qiyaaso inay tahay 1791 M.



Subaxnimadii hore ee Khamiista ambo bax iyo xiiso badan ka dib ayaannu Hargeysa uga baxnay dhinaca Bari, iyada oo aanu markii aanu soconnay labaatan Kiiloo Mitir ku dhawaad aanu u leexannay dhinaca Koonfureed oo ay ku dhereran yihiin buuro dhaadheer oo ay ka mid tahay buurta Quruxda iyo dhirta ku hodanka ah ee Gacan Libaax, iyada oo markaasi dareenkayga iyo maskaxdayda si weyn aniga iyo inta ila socotayba ka dhex guuxayeen sidii ay cagta mar uun u dhigi lahaayeen buur wakhti badan maqalkeedu dhagahayga ku soo dhacay oo ah Buurta Gacan Libaax, waxaana aannu wakhti dheer aanu sii soconnay sii marnay dhul badan oo qaarkood ay ku dhaceen Carro guur, waxaana maskaxdaydu in badan is weydiinaysay dhulkan carro guurku ku dhacay oo kale inay buurtu noqon doonto iyo inay ka duwanaan doonto, haddii ay ka duwanaatana sida ay noqon doonto.



Haddii aan is idhaahdo safar aanu sii soconnay saacado badan oo aannu ku tagnay buurta qalinka ku soo koob waxaba laga yaabaa inuu qalinku ila taraaraxo oo aan halka aan ka bilaabay dhacdadii aan ku sheegay haddana halka dambe aad ugu tagtaan, balse haddii aan ku boodo markii aannu gaadhnay buurta Gacan Libaax figteeda sare dareenkayaga iyo aragtiyadu sidii hore way ka duwanayd, waxa aananu ugu tagnay dhul wada cagaar ah, halka markii hore aan buuraha ku arki jirnay geedo teel teel ah oo ay ka mid yihiin Sog sogta iyo Galoolku oo cagaarkooda dhirtan kale ka qurux badan tahay imika (wakhtigii buurta la gaadhay) waxa noo muuqda dhir badan oo cagaarkeeda aad ku il doogsanayso, hawo naxariis leh oo aad sanka la raacayso, joog sare oo aan huur ahayn, dhado qabow oo neecow ah iyo gebiyo dhaadheer oo ishu in badan sii jalleecayso ka soo jeedsigeeduna adag yahay, waxaana hadallada in badan la isla dhex marayo wakhtigan buurta lagu degay ka mid ahaa in ay habboon tahay in halkan ay noqoto hoyga qof walba oo buurtan joogga wakhtigan.



Markii aanu buurta iyo halkii aanu ka degi lahayn gaadhnay waxa si gacmo furan leh noogu soo dhaweeyey Macalin Axmed Ibraahim Cawaale oo ka mid ahaa hormuudka safarkan aniga iyo ardeyda kale ku tageen halkaasi noo suurto galiyey, guddoomiyaha uga wakiilka ah hay’adda in badan gacanta ka gaysatay cagaarinta buurtan ee Waddaniga ah Candlelight iyo Ibraahim oo ahaa oday halkaasi ku noolaa kana shaqaynayey muddo dhow 50 sanno.



Wakhti yar kaddib waxa aanu u kacnay sidii warbixin lanooga siin lahaa buurtan iyo taariikhdeeda annaga oo u kacnay dhinaca darbi dheer oo ah woqooyiga figta Buurta Gacan Libaax, waxaanay indhahayagu qabanayeen dhado aad u badan oo aanad arkayn meel kuu jirta hal mitir godka kaa xiga, iyada oo halkaasi warbixin nagu siiyeen macalin Axmed Ibraahim iyo Oday Ibraahim oo isna ku noolaa wakhti dheer buurtan kana shaqaynayey ilaalinta deegaankeeda.



Habeennimadii ka dib waxa aanu waabarigii u kacnay socdaal dhir barasho ah, iyada oo aannu soo marnay dhir waaweyn oo halkaasi ku tarantay iyo goobo dhir lagu kobciyo oo ay yaalaan ku dhawaad labaataneeye nooc oo dhir kala duwan ah, kuwaasi oo faa’iidooyin badan u leh guud ahaan nolosha bani aadamka.

Dhirta aannu halkaasi ka soo faa’iidaysanay ama ku yaallay buurta ee sharraxaadda lanaga siiyey waxa ka mid ahaa:-

Geedka Dayibka: waa geed aad udgoon oo aanu xarku galin, waxaana laga samayn jiray berigii hore  sariiraha, fiyaaradaha iyo waaxyaha doonta, Geedka Wagarka oo ka mid ah geedaha dalka ka sii dabar go’aya ayaa ku jira geedaha lagu kobciyo buurta dusheeda, iyada oo loo istimcaali jiray inay umuluhu qaadan jireen oo ilmaha nujada ah barkinta u hoos galin jireen, sidoo kale waxa loo isticmaali jiray barigii hore in colka lagaga hor tago hal ku dhigyada la isticmaali jirayna waxa ka mid ahaa waar colka Weger inagaga tuura, waxa kale oo ka mid ahaa geedka Bardaha oo isna halkaasi lagu kobcinayo

Sidoo kale geedadka halkaasi ku yaala waxa ka mid ah Waabay, Xasaari, Nidiq, Matarar, Godor, Maayeer iyo geedo kale oo tiro badan, kuwaasi oo leh faa’iidooyin kala duwan.

Xayawaan badan ayaa sidoo kale ku nool buurta iyo hareeraheeda, kuwaasi oo qaarkood dalka intii kale ka dabar go’een, balse ay halkaasi inta yar ee hadhay door biday inay ku noolaadaan , waxaana halkaasi lagu koriyaa fardaha oo si fiican ugu dhamay.

Dhinaca Fayo dhawrka iyo khashin ilaalinta ayaa aad looga shaqeeyey, iyada oo hay’adda Candlelight oo gacanta ku haysa deegaankaasi ay dadka deegaankaasi iyo shaqaalaheeda ku tababartay sidii ay khashinta uga ilaalin lahayd deegaanka Buurta Gacan Libaax, mana arkaysid wax bac iyo khashin kale ah oo deegaanadaasi yaala, iyada oo sidoo kale dadka deegaanadaasi isku dayayaan sidii ay meel uga gaadhi lahaayeen wax beerashada.

Halkan kuma soo koobi karo waxyaabihii aan kala kulanay ama aqoontii aanu ka soo korodhsanay buurta Gacan Libaax,balse waxaan ku talin lahaa in cid kasta oo dalxiis nasasho ah u baahataa aanay meel kaleba wakhti iskaga lumin ee ay dalkeena  hooyo ku yalaaan goobo dalxiiska iyo nasashada ku wacan oo ay ka mid yihiin Buuraha Gacan Libaax, Daallo iyo meelo kale oo la mid ah.

Source: http://allsiyaasad.org

Qalinkii Fanax Fariid

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada