Warsaxaafadeed:- Wasaaradda Arrimaha XFS oo war kasoo saartay Xasaradaha Galmudug ka jira.

Warsaxaafadeed:- Wasaaradda Arrimaha XFS oo war kasoo saartay Xasaradaha Galmudug ka jira.

daajis.com:- Waxaa sii kordhaya Xasaradaha u dhaxeeya Madaxda Galmudug oo iminka kusii fideyso Wasiirada iyo Baarlamaanka Galmudug, waxayna xiisadahaan imaadeen kadib markii Madaxweynaha Galmudug uu taageeray isbaheysiga Sacuudiga, waxaana kasoo horjeystay Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka Baarlamaanka iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Galmudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka koobnaa afar qodob ayaa u qornaa:

War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada GalMudug



Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.

Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.

Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.
DHAMAAD

Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta media@moi.gov.so

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada