AMISOM oo la wareegaysa Amniga Garoonka Cadaado iyo Saraakiil u yimid

AMISOM oo la wareegaysa Amniga Garoonka Cadaado iyo Saraakiil u yimid

daajis.com:- Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Nabad ilaalina AMISOM iyo saraakiil kale ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, waxa ayna la kulmeen saraakiishan madaxda maamulka Galmudug.’

Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle oo hogaaminayay saraakiisha AMISOM ee Cadaado gaaray ayaa Madaxda Galmudug kala hadla xaqiijinta amaanka magaalada gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi.

Waxa uu sheegay Taliyaha ciidamada AMISOM in magaalada Cadaado u tageen qiimeynta xaalada amaan ee ka jirta magaalaadasi oo Mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagneyd khilaaf siyaasadeed oo aad u xoogan

Jen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Galmudug ay la kulmeen kala hadleen sidii loogu wareejin lahaa amaanka Garoonka Diyaaradaha Cadaado oo maalmihii lasoo dhaafay u xirnaa xiisada Siyaasadeed ee madaxda Galmudug u dhaxeysa.

Magaalada Cadaado waxaa xiligan ku sugan Ciidamo tiro yar oo katirsan AMISOM, ciidankan ayaana ilaaliya amaanka xarunta Madaxtooyada Galmudug iyo sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada