DAAWO: C.xakiim Camey oo Garoowe kusoo Noqday, Kuna Adkaystay Shirkii Kismaayo inuu Xaaraan ahaa

DAAWO: C.xakiim Camey oo Garoowe kusoo Noqday, Kuna Adkaystay Shirkii Kismaayo inuu Xaaraan ahaa

daajis.com:- Cabdixakiim Camey Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland oo kasoo laabtay safar uu ku tagay waddamada Zambia iyo Kenya ayaa ka hadlay socdaalkiisa, arrimo la xariiray mowqifkiisa shirka Kismaayo iyo qaabka warbaahintu u tabisay warar sheegayay inuu taageero lacageed ka helay xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Camey oo saxaafadda kula hadlayay Garoowe, ayaa beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay lacag xilli uu sii maray Muqdisho kahor intuusan tagi magaalada Nairobi. “Dadka dowladda ku jira ee burushka Xaaraanta ah sita, waxaan leeyahay war umadda u tura idinkuna la fihiina u tura, waxaan leeyahay wararka beenta ah ee la fidinayo ha la joojiyo.” Ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuusan jiri doonin fasax dambe uu u qaadanayo inuu la kulmo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.


C.xakiim Camey ayaa ku adkaystay Go’aankii horey ugu sheegay in Shirka Kismaayo uu ahaa mid Xaaraan ah, Wuxuuna soo dhoweeyay in dowladda Soomaaliya ay casuumad u fidisay maamul goboleedyada, Wuxuuna ku baaqay inay laga shaqeeyo midnimada dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada