Muuqaal: Wararkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo Dhimashada oo gaadhay 230-Ruux oo in badan la garan waayey

Muuqaal: Wararkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo Dhimashada oo gaadhay 230-Ruux oo in badan la garan waayey

daajis.com:- Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka In ka badan 220 qof la geeyey Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Abshir Bukhaari ayaa warkaasi si kala gooni gooni ah u sheegey, waxayna sheegeen in mas’uuliyiinta cisbitaalku ay u sheegeen in maydka 130 ka mid ah dadka dhintay la garan waayey sababtoo ah jirkooda oo aad u gubtay.

“Waxaa shalay meeshaas ka dhacay ma ahayn wax qof bini’aadam ah uu suurayn karo, Ilaahey ha u naxariisto intii dhimatay inta dhaawaca ahna ilaahey ha u booga dhayo”ayuu yiri Xildhibaanka.

Ambalaasyada Amiin waxay sheegeen inay qaadeen in ka badan 250 dhaawac ah oo ay kala geeyen cisbitaallada magaalada, waxay sheegeen in ambalasyadoodu qaadeen 75 maydad ah.


Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale ayaa tagay Isbitaalada, iyagoo ka qeyb qaatay gurmadka loo sameynayay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, iyagoo dhiiggooda ugu deeqay dadka dhibanayaasha ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada