Dacwado lagu soo oogay qaar kamid ah kooxdii Doorashada kala Shaqaysay Trump iyo Arin lama Filaan ah (Daawo)

Dacwado lagu soo oogay qaar kamid ah kooxdii Doorashada kala Shaqaysay Trump iyo Arin lama Filaan ah (Daawo)

daajis.com:- Robert Mueller, Xeer illaaliyaha gaarka ah ee loo magacaabay baaritaanka ku aadan farogelintii Ruushka ku sameeyey doorashada Maraykanka ee 2016 iyo xiriirka ka dhaxeeyey guddiga ololaha Doorasho ee Trump & Moscow ayaa dacwadii ugu horeysay kusoo oogay sadex kamid ah guddigii doorashada ee Trump.


Sadexda nin ee dacwada lagu soo oogay ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Trump ee Mr.Paul Manafort oo loo heysto 12 dacwadood oo ay ku jiraan musuq maasuq lacageed iyo waliba khiyaano lid ku ah wadanka Maraykanka.

Waxaa sidoo kale dacwadahaas mid lamid ah lagu soo oogay Mr. Rick Gates oo isaguna kamid ahaa kooxdii Trump u ololeenaysay.

Labadaas nin ayaa la sheegay inay xiriir hoose la lahaayeen Ruushka, isla markaana horey u qariyeen hawlo badan oo ay u qabteen xisbi xaakimka Dalka Ukraine ee xiriirka laleh dowlada Ruushka. Waxay qariyeen lacagihii ay ka heleen hawlihii ay ka qabteen Ukraine iyo waliba xiriiryada qarsoodiga ah oo ay la sameenayeen xubno ka amar qaata Moscow.

Labadan nin oo maxkamada la horgeeyey ayaa beeniyey dacwada lagu soo oogay, balse maxkamada ayaa ku xukuntay xabsi guri iyo in ay soo wareejiyaan basabooradooda, waxaana dusha laga saaray damiin ah 10 milyan Mr.Manfor halka saaxiibkiisa Mr.Gates damiintiisa ay maxkamada ka dhigtay 5 milyan oo dollar.

Ninka sadexaad ayaa ah George Papadopoulos, kaasi oo kamid ahaa guddigii lataliyayaasha Trump u ahaa xiligii uu ololaha doorashada ku jiray, ninkan ayaa loo heystaa xiriiro toos ah oo uu la sameenayey Ruushka.

Mr.Papadopoulos ayaa xabsiga la dhigay bishii July, waxaana la sheegay inuu qirtay danbiyada lagu heysto, isagoona ogolaaday inuu la shaqeeyo xeer illaaliyaha baaritaanka wada ee Robert Mueller. Ninkan ayaa la rumeysan in bilihii lasoo dhaafay si qarsoodi ah xog u siinayey guddiga baaritaanka wada taasi oo dhaawac weyn ku noqon karta Madaxweyne Donald Trump.

Madaxtoooyada Maraykanka ee Aqalka Cad oo arrimahan kadis ku noqotay ayaa shalay bilaabay olole ay isaga fogeynayaan eedeyntan, waxayna iska fogeeyeen shaqsiyaada hada dacwada lagu soo oogay. Balse xog hoose ay Saxaafada Maraykanka helayso ayaa sheegaya in Madaxweyne Trump uu hada walaac weyn ka qabo baaritaanka uu wado xeer illaaliyaha gaarka ah ee Robert Mueller.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada