Israel oo lagu eedeeyey inay hubeyso Myanmar ee xasuuqday Muslim badan

Israel oo lagu eedeeyey inay hubeyso Myanmar ee xasuuqday Muslim badan

daajis.com:-Hay’adaha Xaquuqul Insaanka u dooda ee ka dhisan dhulka ay Isra’iil maamusho ayaa bilaabay dacwad ka dhan ah xukuumada Isreal oo la sheegay inay tababar militari iyo waliba hub siiso xukuumada Myanmar (Burma) oo hada wada xasuuq weyn oo ay ku heyso Muslimiinta dalkaasi ku dhaqan ee loo yaqaan Rouhinga.

Ururada ka jira Israel ee Xaquuql Insaanka ayaa wada banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo xukuumada Israle, mudaharaadkaasi oo la qorsheeyey inuu dhaco 30 bishan Oktoober.

Qaar kamid ah ururadaasi ayaa maxkamada Israel u gudbiyey dacwad ka dhan ah Xukuumada oo lagu cadaadinayo inay joojiso hubka ay siiso dowlada Myanmar.

Israel ayaa saanada militari iyo tababaro siisa ciidamada khaaska ah ee Myanmar xili Maraykanka iyo dalalka Midowga Yurub ay cunaqabateyn dhinaca hubka ah kusoo rogeen dowladaasi.

Maaha dalka Myanmar oo kaliya wadanka ay hubka siiso Israel, waxay sidoo kale hub badan ka iibisay dowlada sudaanta Koonfureed halkaasi oo ay ka socdaan dagaalo sokeeye.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada