Madaxwayne Donald Trump oo Laga Cabsi qabo inuu ka baxo heshiiskii Iran

Madaxwayne Donald Trump oo Laga Cabsi qabo inuu ka baxo heshiiskii Iran

daajis.com:- Xog-hayaha arimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa wadatashi la lahaa dhiggiia reer Yurub iyo Shiinaha ka hor inta aanay soo bixin warbixin laga filayo madaxweyne Trump oo ku saabsan heshiiskii nukliyeerka.

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in Tillerson madaxdaa uu la kulmay talo wadaag ula tagay oo uu soo jeedintoodana dhegaysanayo.

Waxa jira walaac mug leh oo ay xulufada Washington qabaan kaas oo ah in ay Trump odhan karo in aanu diyaarba u hayn in la meel mariyo heshiiskaas oo Iran ku aqbashay in ay hakiso barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadana cunaqabataynta saaran badhkeed laga qaado.
Trump, ayaa se heshiiskaa ku tilmaamay mid ba’an oo xun, laakiin xulufadiisa iyo xubno ka tirsan maamulkiisu waxay sheegeen in ay Iran dhinaceeda ka fulisay heshiiskaa, waxaany isna ku boorinayeen in uu arinkaa uu damacsanyahay ka fiirsado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada