Madaxweynaha Mareykanka Trump oo Dad badan ka yaabsaday“Aniga ayaa dadka ugu caqli badan”

Madaxweynaha Mareykanka Trump oo Dad badan ka yaabsaday“Aniga ayaa dadka ugu caqli badan”

daajis.com:- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka caqli badanyahay xoghayihiisa arrimaha dibedda Rex Tillerson.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu sheegto caqli badnaan, sanadkii 2013-kii ayuu sheegay in uu aad uga caqli badanyahay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo xitaa George W Bush.



Waxa kale oo uu sheegay in uu ka caqli badanyahay majaajiliistaha caanka ah Jon Steward iyo jilaaga kale ee Britain u dhashay Lord Sugar ee jilli jiray barnaamijkii taleefishinka uu ka daadihin jiray Trump ee lagu magacaabo The Apprentice.

Balse sidaas oo ay tahay Trump wali ma uusan sheegin inta uu la’egyahay caqligiisa.

Halbeegga caqliga lagu cabiro ee loo yaqaano IQ ayaa waxaa lagu qiimeeyaa inta uu la’egyahay qofka garaadkiisa kadib markii uu ka qeybqaato tijaabo su’aalo lagu weeydiinayo, waxayna ku xirantahay sida hufan ee dhaqsiyaha badan ee uu qofka uga jawaabo.

Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Frank Lawlis oo ku taqasusay cilmi-nafsiga, tijaabooyinka qofka laga qaado ayaa waxaa lagu qiimeeyaa sida uu jawaabaha u soxo iyo waliba sida uu hadalka u helo.

Tusaale ahaan su’aalaha waxaa ka mid ah tan hoos ku qoran.

Jane ayaa booqatay Jill. Jane waa gabadha kaliya ee ay dhashay gabadha uu dhalay ninka qaba islaanta sodohda u ah ninka Jane. Haddaba waa maxay isu yihiin Jane iyo Jill?

Dr Barbara A Perry oo madax ka ah kulyadda daraasaadka madaxweynayaasha ee jaamacadda Virginia ayaa sheegtay in aysan waligeed arkin wax la diiwaangaliyay oo muujinaya heerarka caqliga madaxweynayaasha taariikhdooda ay taalo kulyadeeda.

Balse waxa ay sheegtay in ay aragtay diiwaanka madaxweynayaasha helay abaalmarinta Phi Beta Kappa oo la siiyo dadka ugu garaad fiican, heerka sarena ka gaaray aqoonta.

Madaxweynayaashii Hore

Phi Beta Kappa waxaa la asaasay sanadkii 1776-dii, waxaana lagu abaalmariyaa ardayda shahaadada koowaad ka qaatay 286-da jaamacadood ee Maraykanka, kuwaas oo darajooyinka sareeya ka heley waxbarashada.



44tii madaxweyne ee Maraykanka soo maray, 17 ka mid ah ayaa helay abaalmarintan, waxaana ugu dambeeyay ee helay waxa ay ahaayeen Bill Clinton, George W Bush, iyo Jimmu Carter.

Dr Perry ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka midyihiin madaxweyne Herbert Hoover oo ahaa seynisyahan caan ah, Woodrow Wilson oo ahaa madaxweynaha kaliya ee Maraykanka ee haystay shahaadada PhD-ga, iyo William H Taft oo ahaa garyaqaan heersare ah.

Liiskaasi kuma jiro Donald Trump si ka duwan sida uu isaga sheeganayo.

Dr Perry waxa ay intaas ku dartay in garaadka uusan ahayn kan kaliye ee lagu noqdo madaxweyne fiican,mararka qaarkood dabeecadda wanaagsan ay ka habboontahay caqliga.

“Xaakimkii maxkamadda sare Oliver Wendell Holmes ayuu ahaa ninkii yiri Madaxweyne Franklin Delano Roosevelt caqligiisa waa kan darajada labaad, balse dabeecadiisa waa darajada koowaad” ayay intaas ku dartay. “Sidaasi oo ay tahay Roosevelt waxaa doortay wax ka badan saddex meelood labo meelood ergada” ayay intaas sii raacisay.

Professor Fred I Greenstein oo culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Princeton ayaa soo taxay 6 astaamood oo uu sheegay in lagu qiyaasi karo tayooyinka madaxweyne uu leeyahay.

Waxay kala yihiin xiriirka bulshada, awoodda agaasinka, xirfadda siyaasadeed, aragtida fog, garashada hufan, iyo dareenka maskaxeed.

Dr Perry ayaa sheegtay in Trump uu ku liito 4 ka mid ah astaamahaas lixda ah.

Si kasta oo uu caqliga Trump u badanyahay ama u yaryahay taas micnaheedu ma ahan in uu ku guuleysan karo tijaabada IQ-ga sida uu qabo Dr Lawlis oo yiri “Xitaa dadka aan qabno in ay ugu caqliga badanyihiin sida Einstein oo kale waxaa laga yaabaa in aysan ku guulaysan tijaabada IQ-ga, sababtoo ah waxa ay ka fikaan wax maskaxdeena ka taloowsan”.
“Waxaa laga yaabaa in uu dhawr jaawaabood ka fikiro marka hal su’aal la weeydiiyo” ayuu intaas raaciyay.

Mensa oo ah hay’adda u xilsaaran tijaabooyinka halbeegga caqliga ayaa Trump ku marti qaaday in la miisaamo caqligiisa si loo caddeeyo in uu ka caqli badanyahay Tillerson.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada