MUUQAAL: Munaasibadii Taageerada Ciidamada iyo Khudbadii R/wasaaraha

MUUQAAL: Munaasibadii Taageerada Ciidamada iyo Khudbadii R/wasaaraha

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb gaay munaasabad lagu soo bandhigeyey waxii u qabsoomay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida, ee dhawaan uu magacaabay Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa sheegay iney diyaariyeen dariiq ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo gaar siin karaan kaalmada ay ugu talagaleen in lagu caawiyo ciidankooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xusay muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin dal kasta iyo sida Soomaaliya ay maanta ugu baahan tahay soo celinta karaamadii ay lahaayeen ciidankeenu. Isagoona baaq ku aaddan iney ciidamadooda taageeraan u diray bulshada Soomaaliyeed, ay garab istaagaan hawlaha lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada.


Mudane Khayre ayaa balan qaaday in Xukuumaddu ay 20 kun dollar siin doonto gudiga taakuleynta Ciidamada si loo dar-dargeliyo hawlaha gudiga.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo siyaasiyiin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada