MUUQAAL: Shariif Xasan oo si yaab leh Uga Hadlay Xaalada Maamulkiisa Iyo Federaalka Iyo Kacdoon uu dareemay

MUUQAAL: Shariif Xasan oo si yaab leh Uga Hadlay Xaalada Maamulkiisa Iyo Federaalka Iyo Kacdoon uu dareemay

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay Federaal, isagoo ka digay in inay jiraan shaqsiyaad ku howlan in la baabi’iyo maamulada Federaalka.

Shariif Xasan oo shalay Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Baydhabo, kaddib markii uu dib ugu laabtay ayaa ugu baaqay dadka reer Koofur Galbeed in labada gacmood ku qabsadaan maamulkooda

“Reer Koofur Galbeed Federaal ayaa tihiin, Soomaaliya Federaal ayay qaadatay, waxaa la rabaa inaan labo gacmood ku qabsatiin, dad ayaa ku fikiraya in Federaalka la baabi’iyo maamulada la dumiyo”ayuu yiri Shariif Xasan.


Waxaa uu sheegay in maamulada Federaalka ay yihiin muqadas, waxaa uu xusay in Soomaaliya ka jirto maamulo, isla markaana ay hoostagaan dowladda Dhexe.

Tan iyo markii uu soo if baxay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa waxaa uu saameynta ugu weyn ku yeeshay nidaamka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowlad goboleedyada ay ka soo hor-jeesteen mowqifkii dhex dhexaadnimada ay qaadatay dowladda Federaalka, waxaana go’aano dhowaan ka soo baxay dowlad goboleedyada ay ku taageereen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada