MUUQAAL: Yurub Geenyo oo Hargeisa Kasoo degtay “Muqdisho Kuma Noqon Doono, Cafis ayaa la ii Fidiyey”

MUUQAAL: Yurub Geenyo oo Hargeisa Kasoo degtay “Muqdisho Kuma Noqon Doono, Cafis ayaa la ii Fidiyey”

daajis.com:- Fanaanad Yurub Geenyo oo Mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnayd magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo Laabtay magaalada Hargeisa, Waxayna sheegtay in Cafis Loo fidiyey, Islamarkaana aysan ku Noqon doonin Muqdisho.

“Waxaan halkan mahadnaq gaar ah uga fidinaya Madaxweynahayga Somaliland  Axmed Maxamed Siilaanyo, oo cafis balaadhan ii fidiyey, aad baan ugu mahadcelinaya, waa mahadsantahay Madaxweyne.

Anigu fanaanad reer Somaliland ah baan ahay anoo Muqdisho joogana waan lahaa wareysiyo aan qabtay xitaa waa ku daray, hadana waan ahay cidna igama maydhi karto.

Waxaan kalo mahadcelin u haya adeerkay xildhibaan Nacnac iyo Jamaal ceydiid oo si wacan isoo dhoweeyay, iyo guddoomiyahayga xidigaha geeska Xasan Laabsaalax iyo Fanaaniintayda aadka u qiimaha badan, taageerayaashayda.
Shacabka Somaliland meel walba joogtaan waxaan lee ahay hadaa dhibsateen Muqdisho oo aan tegay, aad baan idiinka raaligelinaya mana dhici doonto”. Ayay tidhi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada