Qaaddacaad iyo Rabshado hadheeyay cod-bixinta doorashada Kenya (Daawo)

Qaaddacaad iyo Rabshado hadheeyay cod-bixinta doorashada Kenya (Daawo)

daajis.com:- Doorashada madaxtinnimo ee ku celiska ah ee Kenya ayaa waxaa saameyn ku yeeshay isku dhacdo iyo mucaaradka ugu weyn oo qaaddacay.

Wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa toogtay booliiska, isagoo goor dambe dhintay, kaddib markii ay isku dhacyo ka dhaceen magaalada uu mucaaradku ku xooggan yahay ee Kisumu, oo ah mid ka mid ah deegaannada afarta ah ee qalalaasuhu uu saameeyay.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in cod-bixinta deegaannadaas dib loo dhigi doono ilaa Sabtida.

Madxaweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii August, balse mar kale ayaa doorashada lagu celiyay sababo la xiriira inaysan si sax ah u dhicin.


Madxaweyne Kenyatta ayaa doonaya in mar labaad la doorto. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ka laabtay musharraxnimadiisii madaxtinnimada.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa horay u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay.

Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa loo daad gureeyay goobaha cod bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada