DAAWO:- Prof. Salwe oo Buuhoodle yimid iyo Shirkadda Xooga Korontada oo Arin lagu Farxo Qabatay

DAAWO:- Prof. Salwe oo Buuhoodle yimid iyo Shirkadda Xooga Korontada oo Arin lagu Farxo Qabatay

daajis.com:- Shirkadda xooga korontada ee Buuhoodle Power Supply ayaa maamulka Jaamacadda bariga Afrika ee Buuhoodle ku wareejisey lacag dhan $2000 oo doolar oo shirkadu ugu talagashay inay kaga qayb qaadato horumarka Jaamacadda.

gudoomiyaha shirkadda xooga Korontada ee Buuhoodle Axmed Maxamed Faarax iyo Eng ka guud ee shirkada ayaa halkaas ka hadlay iyadoo maamulka Jaamacadda iyo gudiga dhexe ee Jaamacaduba umaad celiyeen madaxda shirkadda.

Geesta kale Jaamacada bariga Afrika faraceeda magaalada Buuhoodle ayaa soo dhoweyn aad u balaadhan u samaysay Prof Cabdisalaan Maxamed Ciise (Salwe) oo ah madaxweyne kuxigeenka waaxda acaddemic ga ee Jaamacadda bariga Afrika oo socdaal aqooneed u yimid xarunta Jaamacada ee Buuhoodle.


Hormuudka Jaamacada ee Buuhoodle, gudiga dhexe ee Jaamacadda, gudiyada ardayda ee kala ah kuwa dhigta iyo kuwii hore uga qalin jebiyey Jaamacadda, macalimiinta iyo hormuudka kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu bixiso ayaa ka qayb qaatay soo dhoweynta Prof ka iyagoo kaga hortegey duleedka waqooyi ee Buuhoodle kadibna usoo gelbiyey xarunta Jaamacada halkaasoo shir soo dhowen ah oo aad u balaadhan loogu sameeyey Prof Salwe.

Ugu danayna Prof Salwe oo maalmo u joogi doona Buuhoodle ka qayb qaadashada horumarada kala duwan ee mudooyinkii danbe Jaamacadu ku talaabsanaysey ayaa u mahad celiyey faraca Buuhoodle ee Jaamacada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada