Turkiga oo saacado uga jawaabay codsigii DF iyo diyaarad gargaar oo lasoo diray

Turkiga oo saacado uga jawaabay codsigii DF iyo diyaarad gargaar oo lasoo diray

daajis.com:- Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee ka jawaabay dalabkii dowladda ee ahaa in gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadkii ay musiibada ku qabsatay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaraxii xooganaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee dalka Turkiga, Madaxweyne   Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa amar deg deg ah ku bixiyey in diyaarad caafimaad loo diro  Magaalada Muqdisho, isla markaasno la geeyo daawooyinka noocyadooda kala duwan si loo badbaadiyo dadkii  ku dhaawacmay qaraxii arxan darada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe.

Diyaaradda lasoo diray ayaa la sheegayaa inay wado daawooyin kala duwan iyo Dhakhaatiir, wuxuuna qorshaha yahay in la qaado dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin, waxaana diyaarada ku diyaarsan gargaarka deg deg ah.

Sidoo kale diyaarada ayaa dawada ay sido ku wareejin doonto dowladda dhexe si loogu daaweyo dadka aan u baahneyn in debadda loo qaado,  wuxuuna ficilkaan ay muujisay dowladda Turkiga muujinayaa inuu Turkiga yahay dowladda kaliya ee walaalaha la ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa muujiyey geesinimo iyo inuu Soomaaliya yahay wadan aad ugu dhow, waxayna arrintaan muujineysaa inuu Turkiga  kaga dhow yahay Soomaaliya dowladaha Carabta oo aan laga heyn wax ficil ah oo ku aadan Musiibada ka dhacday Muqdisho.

Wakaaladaha Wararka Turkiga ayaa sheegaya in Amarka Madaxweynaha lagu fulin doono Saacado Gudahood, waxaana la filayaa inay Muqdisho soo gaarto Caawa ama Berri sida qorshuhu yahay.

Dowladda Turkiga ayaa horey looga bartay inay dalkeeda u qaado dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin ee ka dhasha weerarada diinta aan salka ku laheyn ee geysanayaan Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada