Xisbiga Wadani ee Somaliland oo la wareegay Xaruntii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool

Xisbiga Wadani ee Somaliland oo la wareegay Xaruntii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool

daajis.com:- Tartan loogu jiro gacan ku haynta xarumaha xisbiyada loolanka siyaasadeed ugu jira hogaanka Somaliland ayaa ka bilaabmay magaalada Laascaanood, iyadoo xaruntii gobolka Sool ee xisbiga kulmiye maanta si toos ah looga baabiiyey astaamihii xisbigaas.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha degaanka degadmada Laascaanood ayaa afaafka hore ee xaruntaasi ku sheegay in ay la wareegeen xarumihii xisbiga Kulmiye uu ku lahaa degmada iyagoo ku hadlay afka xisbiga Waddani.

Duqii hore ee Degmada Laascaanood Cismaan Saleebaan oo ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waa xaruntii afraad ee aan la wareegno, kadib markii ay dadku arkeen in ay ka xunyihiin isticmaarkii, dadkuna iyaga ayaa ka saaraya guryahoodii, maantana kama duwana maalintii kana siib kana saartii”

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee goblka Sool Axmed Daadey oo aan la xidhiidhnay isaga oo Hargeysa ku sugan waxa uu sheegay in ay been iyo Borobogaando la wado ay tahay.

“Anigu Hargeysa ayaan hada hawl u joogaa anuu ma ogi wax la qabsaday iyo wax lala wareegey, xafiisyadii gobolka waa furan yihiin, waxanse kuu sheegayaa inay jiraan dad borobogaando wada balse waa la arki dhowaan xafiisyada lala wareego, ogow oo beentu lug la qabtay leedahay” ayuu yidhi Daadey.
Loolankan oo ah mid si aad ah u hadheeyey guud ahaan Somaliland ayaa haatan gobolka Sool waxaa si aad ah hawlgalo xoogan uga wada xisbiga Waddani iyadoo xisbiga talada ahaya aad moodo inuu ka sii jeedo oo uu ku mashquulsan yahay dhinaca Galbeed, waxaanse meesha ka muuqan dhaqdhaqaaqiisu xisbiga Ucid.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada