Qarax Muqdisho lagula eegtay ciidamo si gaara ay u tababartay dowlada Imaaraadka & Khasaaro soo gaaray

Qarax Muqdisho lagula eegtay ciidamo si gaara ay u tababartay dowlada Imaaraadka & Khasaaro soo gaaray

daajis.com:- Qarax xoogan ayaa waxa uu caawa ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan sidaa uga sii fogeyn Isbitaalka Digfeer.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala beegsaday gaari nooca dagaalka oo ay wateen Ciidanka Militariga Dowladda.

Qaraxa oo ahaa mid si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha ku yaala degmadaasi, ayaa waxaa la sheegay inuu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa ahaa nooca ay Somalidu u taqaano Cabdi Billaha, isla markaana uu burbur ka soo gaaray qaraxa.

Ciidanka qaraxan lala beegsaday ayaa sidoo kale ahaa kuwa ay tababareen Imaaraadka oo Saldhig ku lahaa meel aan ka fogeyn goobta lagu Qarxiyay.

Ciidamo ka tirsan isla kuwa Imaaraadka ayaa u gurmaday askartii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa, waxa ayna kula carareen goobaha caafimaadka.

Qaraxaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo lala beegsado gaari ay la socdeen ciidamada Militeriga qeybta ay tababareen Imaaraadka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada