Fariimo Jaceyl : Dahab Ayaa Lagu Moodaa , Hadduu Ruux Ku Daawado Kaama Daayo Eegmada Iyo In Badan …

Fariimo Jaceyl : Dahab Ayaa Lagu Moodaa , Hadduu Ruux Ku Daawado Kaama Daayo Eegmada Iyo In Badan …

daajis.com:-Mar kale ku soo dhawaada asxaata xiiseysa fariimo qoraaleedka gaa-gaaban ee jaceylka iyo geerarada ,waxaan amanta idin soo xulnay dhowr geeraar oo aan filayo in ay idin anfici doonaan .


Haddii ay jirto qof aad ka dooneyso balan ama kulan waxaad u u diri kartaa geeraarkaan.

Berigii aan ku bartaa
I laa bil iyo ayaamaa
U bukaa aragaaga
Bohlyow daraaddii
Bal inaan ku bogsado
Bartaada inaan arko
Beerkaad iiga taalaa
Bilicdaada qurxoon
Baan u bogaya anigee
Balan ila wadaagoo
Bartamaha badweyntiyo
Bal inaan booqano
Beerihii afgooyiyo
Bartamaha jannaalaa
Bashaal u aadnaa
Barthamaha jaceylkana
Beer wacan u fidinaa
Ballantaan iga aqbal.

Haddii aad dooneyso in aad dirto geeraar amaan ah waad qaadan kartaa midkaan .


Dahab baa lagu moodaa
Hadduu ruux ku daawado
Kaama daayo eegmada
Danihiisa wuu gabaa
Da,yar wacan inaad tahay
Dadkaan u sheegaa
Daliil looma baahna
Da,yartii qurxooneyd
Dadku eegi waayeen
Dahab la mood inaad tahay
Daah igama saarna
Dooq haduu jiro
Da,yar loo qaado
Dad kale uma qalmo
Doolar iyo diinaar
Inta hanti dunidaan taalo
Adigaa kaa door roon
Damqashada jirkeygaan
Weli wuu dareemaa
Daacad wcan inaad tahay
Dadkoo dhan wey yaqaanaan.

Haddii xooga shaki ama maseer uu ku galay isna waad u diri kartaa geeraarkaan .

Mar quraan dareemay
Muraad inaad iga laheyn
Meel kalaad u dareertey
Maskaxdaada aad siisey
Muran badan adoon gelin
Murugaa igu fogaatee
Maseyr aan dhamaan baa
Madaxeyga ku mug leh
Micno ma lahan aduunkaan
Mid kalaan calman doonaa
Daacad ahow daryeel mudan
Dadka u u riyaaqoo
Duco iyo wanagiyo
Dadka ay u wadaan
Daacad baad igu wadey
Daacad hadaad tahay
Daaha ka rog hadalkaaga
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada