Xaflad Aroos oo mar qura furiin isku bedashay, cajiib!

Xaflad Aroos oo mar qura furiin isku bedashay, cajiib!

daajis.com:-Arin lala yaabay ayay eheed kadib markii jawigii farxadeed uu isku bedelay mid  murugo iyo baroor ah, ka gadaal markii ay isku dheceen qoyskii aroosada iyo hooyada dhashay wiilka aroosayay, iyadoo wiilka aroosayay oo lagu magacaabo Yamiin uu isku dayay in arinta uu xaliyo balse uu ku gacan seyray.


Khilaafka labada qoys ayaa ka bilowday Kamiro taas oo heshiisku ahaa inuu soo kireeyo arooska balse uu u wakiishay walaalkiis, ha yeeshee aroosadda iyo waalidkeed ayaa lasoo baxay dhaqan ku cusub aroos Yamiin kaas oo la fajacay hab dhaqanka gacalisadiisa oo ku noqotay qof ku cusub.  

Aroosadda iyo Hooyadeed ayaa si anshaxa ka baxsan ula dhaqmay Hooyada dhashay wiilka Arooska ahaa, taas oo keentay in Yamiin is celi waayo kadib markii dhiigu karay marki uu maqlay waxa ay ku dhawaaqayaan gacalisadiisa iyo hooyadeed, waxa uuna go'aansaday in goobta uu ku furo xaaskiisa.

Dad weynihii kasoo qeyb galay xafladda ayaa isku dayay iney arinta xaliyaan, balse maaro wey u waayeen, maadaama labada qoys ay iska arkeen shaashad gaar ah, halkaas ayaana arooskii ku fashilmay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada