Puntland oo Idaacad u Gaar ah Furatay.

Puntland oo Idaacad u Gaar ah Furatay.

daajis.com:-Idaacadan oo laga dhageysan karo Mowjadaha Gaa-Gaaban ayaa in ku dhaw 2sano dhismeheedu uu ka socday Magaalada Garoowe waxaana Puntland ugu Deeqday Idaacadan Dowlada Talyaaniga, Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaana maanta Xariga ka jaray kana Hadlay isla Idaacada oo xiligaa hawada la gashay si tijaabo ah, waxaana iminka socday Qaadashada Wariye yaasha ka hawlgali lahaa idaaacada si loo dardargeliyo Hawlaheeda sida ay Madaxdu sheegeen.


Madaxweyne faroole ayaa Goobta ka shaeegay in ay mudo ku taamayeen taaba gelinta Idaacad iyo Tv u gaar ah Dowlada kana hadla danaha Puntland dadaal kadibna iminka la hirgeshay Idaacad loo baxshay Radio Puntland tvgana wadada uu kusoo jiro sida uu Madaxweynuhu xusay, Dr faroole wuxuu rajo wanaag ka muujiyay idaacadan isagoo sheegay in ay Baahin doonto dhamaan Wararka Dowlada Hormarka Puntlandna ay ka shaqayn doonto Guud ahaan.
Idaacadan oo ay gacanta ku hayaan Farsama yaqaano Talyaaniga u dhashay ayaa in dhawaalaba la hadal hayay furitaankeeda waxaana Dad badan oo falanqeeya arimaha Puntland ay sheegeen in ay Idaacadan iyo Tvga soo socdaba Puntland ka saacidi doonaan Baahiyo badan oo xaga Warbaahinta ka heysatay sida ay hadalka u dhigeen, iyadoo Dadka qaarkiina ay sheegayaan in Puntland uu isfaham dhexmari waayay Idaaacadaha iyo Tvyada Caalamiga qaar awgeed ay Puntland u sameesatay Tv iyo Idaaacad u gaar ah oo ay Hormarkooda kusoo bandhigaan,waxaana la filayaa in Idaacadan  si toos ah u shaqo bilowdo xiliyada soo socda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada