Xogo dheeraad ah oo weli kasoo baxaaya weerarkii cuslaa ee ka dhacay Las Vegas

Xogo dheeraad ah oo weli kasoo baxaaya weerarkii cuslaa ee ka dhacay Las Vegas

daajis.com:-Wuxuu ahaa weerarkii ugu xumaa taariikhda casriga ah ee Maraykanka, waxaana lagu dilay 59 qof , 500 kalana waa lagu dhaawacay.

Kadib weerarka ayaa waxaa isoo taraya xogaha ku saabsan ninka dilkan geystay oo ah nin caddaan ah oo lagu magacaabo Stephen Paddock, oo 64 jir ahaa.

Paddock waxaa la sheegay in uu ahaa nin ladan oo xisaabiye hore ahaa, islamarkaasna haystay shatiga duuliyenimada, iyo shatiga ugaarsiga, mana lahayn wax diiwaan hore oo dambi ah.

Balse qof mar daris la ahaan jirey ayaa sheegay in uu qof qamaarka aad u ciyaara, islamarkaasna dhaqamadiisa ahaayeen kuwa aad loola yaabo.

Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Las Vegas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay jiraan sababo loo rumeysan karo in Paddock uu ahaa qof xagga maskaxda isaga buuqsanaa.

Paddock ayaa rasaas oodda kaga qaaday dad badan oo ka qeybgalayay bandhig faneed habeenkii axadda, isaga oo dadka kasoo toogtay qol uu ka deganaa Hotel Mandalay Bay, wuxuuna halkaas ku diley 59 qof, 500 kalana waa uu ku dhaawacay ka hor inta uusan qoriga isaga isku dhufan.
Illaa 23 qori ayaa laga heley qolkii dabaqa 32-aad ee uu deganaa, waxaa kale oo laga heley kumannaan rasaas ah. Booliiska waxa ay sheegeen in sidoo kale qolka ay ka heleen waxyaabaha qarxa iyo aalado kale.

Nin lagu magacaabo David Famiglietti oo leh bakhaar hubka lagu iibiyo oo magaciisu yahay New Frontier Armory ayaa BBC-da u sheegay in dukaankiisa uu hubka ka iibsaday Paddoc gu’gii sanadkan, wuxuuna sheegay in Paddock uu waafaqay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka hubka iibsanaya oo ay ka mid tahay in qofka laga eego diiwaanka dambiileyaasha ee FBI-da.

Balse waxa uu intaas ku daray in qoriga uu isticmaalay laga yaabo in uu farsamo dheeraad ah ku daray , haddii kale aysan suurtogal ahaan lahayn in uu sidaas u shanqaro, qasaaraha intaas la’egna geysto mudada sidaas u gaaban.

FBI-da waxa ay sheegtay in aysan helin wax raad ah oo muujinaya in Paddock uu xiriir la lahaa koox argagixiso ah oo Maraykanka dibadiisa ku nool.

Erick Paddock oo ah ninka la dhashay Stephen Paddock ayaa sheegay in aabahood uu ahaan jiray nin bangiyada dhaca, kaas oo ku jirey liiska FBI-da ee dadka loogu doondoonista badanyahay.

Kaarto ay ciidamada dhajiyeen sanadkii 1969-kii ayaa waxaa ka muuqda sawirka Patrick Benjamin Paddock., waxaana ku qoran in ninkan uu qabo xanuunka maskaxda.

Patrick ayaa la qabtay sanadkii 1978-dii isaga oo ku sugan gobolka Oregon. Waxa uu dhalay 4 wiil oo uu Stephen u weynyahay.

Erick Paddock oo wiilasha ugu yar ayaa korey isaga oo u malaynaya in uu aabihiis dhintay, balse sanado ka hor markii uu tagay machad ciidammada cirka ayaa waxaa loo sheegay in aabihiis uu noolyahay, yahayna qof horey uga tirsanaan jiray ciidammada oo geesinimo lagu yaqiinay. Mar aan sii fogeyn ayuu dhintay Patrick Benjamin Paddock sida ay faafiyeen warbaahinta Maraykanka.

Sida ku qoran warbixin ay uu faafiyay taleefishinka NBC News, Stephen Paddock ayaa dhawaan ciyaaray qamaar lacagtiisa dhantahay kumanaan kun oo doolar, balse ma cadda in uu guuleystay iyo in uu guuldaraystay.

Ninka kale oo la dhashay oo lagu magacaabo Bruce Paddock ayaa NBC u sheegay in walaalkiis uu ahaa nin taajir ah oo malaayiin doolar ku maalgashada guryaha.

Nin ah qandaraasle xagga difaaca oo lagu magacaabo Lockheed Martin ayaa sheegay in Paddock uu u shaqayn jirey shirkado xagga arrimaha difaaca ka shaqeeya oo isaga kaga horeeyay hawsha 30 sano ka hor.

Sanadkii 2016-kii ayuu degay guri labo dabaq ka kooban oo ku yaala Mesquite, Nevada, halkaas oo ay wada degenaayeen lamaanihiisa Marilou Danley oo 62 jir ah sida ku cad diiwaanada dowladda. Booliiska ayaa sheegay in ay ka shaki baxeen haweenaydan oo markii hore ay sheegeen in ay baadi goobayaan.

Sida ay qoreyso warbaahinta Maraykanka, Paddock ayaa waxa uu heystay shatiga duuliyenimada, isaga oo lahaa labo diyaaradood oo yaryar.

Nin lagu magacaabo Diane McKay ayaa wargayska Washington Post u sheegay in Paddock uu ahaa dariskiisa, islamarkaasina uu samayn jirey waxyaabo layaab leh, oo ay ka mid tahay in markasta isaga iyo gabadha ay saaxiibada yihiin ay daaqadaha xiran jireen.

Waxa uu intaas ku daray in uu ahaa nin aanan dadka ku dardarsan jirin, islamarkaasina aanan dhexgali jirin cidna.

Paddock ayaa dacwad ku furay hoteelka Cosmopolitan ee Lasvegas 2012-kii kadib markii uu ku kufay wax meel la dhigay, balse dacwadaas ayaa lala laabtay 2014-kii.

BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada