Kooxaha Arsenal iyo PSG: Oo Is Dhaafsan Doona Xidigaha Alexis Sanchez & Julian Draxler”

Kooxaha Arsenal iyo PSG: Oo Is Dhaafsan Doona Xidigaha Alexis Sanchez & Julian Draxler”

daajis.com:-Kooxda Arsenal ayaa ka fakareysa iney Paris Saint Germain kula heshiisyo kala badalashada labada xidig ee aan labada dhinac ku faraxsaneen Julian Draxler & Alexis Sanchez sida ay sheegayaan warar  ka imaanaya dalka Ingiriiska.

Gunners ayaa diyaar u aheyd iney 60 Malyan oo Pound kaga iibiso Manchester City intii uu furnaa suuqii xagaagan, balse shuruud ayaa ku xirneed oo ah iney helaan Thomas Lemar oo ay u arkeen badalka ugu haboon.

Niya jabkii saxiixa Thomas Lemar ayaa ku dhaliyay Gunners iney ka biyo diido iibka Alexis Sanchez, balse haatan Arsene Wenger ayaa la fahahsan yahay inuu si weyn uga fakarayo isku badalashada labada xidig ee Draxler iyo Sanchez.

Macalinka reer France wuxuu aaminsan yahay iney tahay dooq fiican hadii ay helaan January Draxler kaas oo gool dhaliyay kulankii ay kooxdisia 6-2 ku adkaaden si uu badal ugu noqdo Sanchez.

Sidoo kale Gunners waxey ka fakareysaa iney 28-jirka reer Chile ku lumin karaan si bilaash ah hadii ay ku madax adeegaan ineysan iibin horaanta sanadka soo aadan waana qasaaro weyn oo kusoo wajahan kooxda ka dhisan waqooyiga London.

W\Q: Abdullahi Hussein Omar

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada