Axmed Madoobe iyo Cumar Cabdirashiid oo kulan dhibaato ku ah dowlada dhexe ku yeeshay Nairobi:

Axmed Madoobe iyo Cumar Cabdirashiid oo kulan dhibaato ku ah dowlada dhexe ku yeeshay Nairobi:

daajis.com:-Sida aan xogta ku helnay Seddex Berri ka hor waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe iyo u qaabilsanaha dalka Imaaraadka Carabta ee kala geynta Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid oo ay dowladda Imaaraadka Carabta u wakiilatay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sidii looga hor imaan lahaa dowladda Dhexe ayaa madaxweynaha Jubblanad ka codsaday inuu imaado Nairobi isla markaasna ay yeeshaan kulan qarsoodi ah.

Axmed Madoobe oo ka jawaabayo dalabkaas ayaa maalmo ka hor tagay dalka  Kenya, waxaana Magaalada Nairobi labadaan Mas’uul ku dhex maray kulan xasaasi ahaa oo looga hadlayey mashruuca ay Imaaraadka ku dooneyso in meesha looga saaro madaxweyne Farmaajo.

Cumar Cabdirashiid ayaa Axmed Madoobe usoo jeediyey inuu garab ku siiyo sidii uu ugu guuleysan lahaa ololaha ay ku taageereyso Imaaraadka oo ah in meesha laga saaro Farmaajo isla markaasna uu isaga noqdo Madaxweynaha Soomaaliya taasoo u muuqato inay tahay arrin riyo maalmeed ah oo aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto.

Cumar Cabdirashiid ayaa Axmed Madoobe u ballan qaaday lacag aad u badan, wuxuuna ka codsaday inuu arrintaas ku caawiyo isagoo ku qanciyey inuu isaga booskaas ku fadhisian doono isla markaasna aysan beesha xilkaas weyn doonin.

Axmed Madoobe ayaa si weyn usoo dhaweeyey codsiga Caddirashiid, wuxuuna u ballan qaaday inuu arrintaas ku garab siin doono.

Axmed Madoobe iyo Cumar Cabdirashiid ayaa kala saxiixday qodobo aad xasaasi u ah oo ay ugu weyneyd in meesha laga saaro Madaxweyne Farmaajo iyadoo la isticmaalayo lacago waali ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddo badan ku howlan sidii macaarad loogu kicin lahaa dowladda Cusub ee Soomaaliya ee laga rajeenayo inay dalka wax badan ka badasho, waxayna Imaaraadka howshaan bilowday kadib markii ay dowladda Soomaaliya go’aan dhex dhexaadnimo ka qaadatay khilaafka ka dhex jiro dowladaha Khaliijka.

Cumar Cabdirashiid ayaa abuurayo mucaarad aad u weyn oo kasoo horjeedo dowladda dhexe, wuxuuna lacago waali ah kasoo qaatay Imaaraadka Carabta, inkastoo shaki weyn la gelinayo sida ay ugu suurtageli karto qorshaha uu wado.

Cumar Cabdirashidi ayaa Muqdisho wakiil uga dhigtay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey u iibsaday badda Soomaaliya, wuxuuna Muqdisho ka wadaa olole aan geed loogu soo gamban oo lala damacsan yahay Dowladda Dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada