Baarlamaanka Djibouti oo Heshiis qodobeysan la saxiixday baarlamaanada Somalia (Akhriso)

Baarlamaanka Djibouti oo Heshiis qodobeysan la saxiixday baarlamaanada Somalia (Akhriso)

daajis.com:- Waxaa maalmahaan magaalada Muqdisho ku sugnaa Wafdi uu Hogaaminaayay Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo ay ku jireen Xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka dowladaas.

Wafdigaan baarlamaaniga ah ayaa maanta magaalada Muqdisho Heshiis kula saxiixday baarlamaanada Somalia,kaasi oo ku dhisan wadashaqeyn iyo walaaltinimo.

Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Somalia Federaalak Somalia Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare ahna ku-simaha guddoomiyaha Abshir Axmed Maxmed(Bukhaari), Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxmed Cali Xumud iyo xubno xildhibaano ah.

Labada dowladood ayaa waxaa Heshiiska u kala saxiixay Guuddooiye Jawaari iyo Abshir Bukhaari Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka sare ahna ku simaha Guddoomiyaha, halka Baarlamaanka Jabuutina uu u saxiixay Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxmed Cali Xumud.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ah furista wada hadalo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidoo kale sameynta Guddiga saaxiibtinimada ee labada Baarlamaan, Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha Golaha shacabka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay labada wadan.
Waxaa kulanka intii uu socday la isku la soo hadal qaadey muhiimadda ay leedahay wadashqeynta iyo walaaltinimada barlamaanada labada dal ,iyadoo la ammaanay dowrka Jabuuti ay ku leedahay taageerada Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa sheegay in xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Cali Xumad ayaa sheegay in qodobada heshiiskan ku qoran sida ugu dhaqsiyaha badan u hir gelin doonaan.isagoona bogaadiyay xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda aysan marnaba iloobi doonin abaalkii ay u galeen shacabka reer Jabuuti iyo dowladooda, sidoo kalana Baarlamaanka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta Baarlamaanka walaalaha Jabuuti.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada