Diyaaradaha Mareykanka oo maanta duqeyn culus la beegsaday Daacishta Somalia (Akhriso)

Diyaaradaha Mareykanka oo maanta duqeyn culus la beegsaday Daacishta Somalia (Akhriso)

daajis.com:- Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee ”AFRICOM”, waxaa maanta oo ku beegan 27-ka November mar kale duqeyn cirka ah loo geystay Saldhiga weyn ay Daacishta Somalia ku leeyihiin buuraaleyda Galgala.

Duqeynta oo cusleyd ayaa waxaa la sheegay inay dhacday maanta saacadu marka ay aheyd 03:00-Pm, waxaana la xaqiijiyay in lagu khaarijiyay hal ka tirsan maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka qeybqaaten ciidamada dowlada Federaalka ah ee Somalia oo garab ka helaaya kuwa Taliska Mareykanka ee Africa.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Somalia, ee sida tooska ah loola beegsanaayo Al-Shabaab iyo Daacishta Somalia.

Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee ”AFRICOM”, ayaa dhawaan sheegay inay laba jibaarayaan duqeymaha ay ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ee ka howlgala Somalia.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa xoojiyay howlgalada ay ka fuliyaan Somaliya, waxaana xusid mudan in bishan ay fulisay in ka badan 5 Weerar Saddex ka mid ah ay dhaceen 24 saac gudahooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada