Ciidamada Dalka Nijeeriya ayaa soo badbaadiyay 212 Qof Boko Xaraam

Ciidamada Dalka Nijeeriya ayaa soo badbaadiyay 212 Qof Boko Xaraam

daajis.com:- Ciidamada Neyjeeriya Ayaa Maanta oo Arbaco ah waxay xaqiijiyeen in 212 qof oo ay afduubteen Boko Xaraam in laga soo badbaadiyay hawlgal milatari oo ka dhacay gobolka waqooyi bari ee Borno.

Afhayeen u hadlay ciidanka milatariga Sani Usman ayaa sheegay in ciidamadu ay fuliyeen howlgal ay ku cirib tiraayaan haradiga Boko Haram oo dhaca tuulooyinka ku yaala waqooyiga Hawdka Sambisa, Halkaas oo ah xerada tababarka ee kooxda argagixisada ee Magaladda  Borno, hadalkan aya yimid Talaadadii.

Horraantii toddobaadkan, ciidamada ayaa soo badbaadiyay 30 qof oo ay afduubteen argagixisada intii lagu jiray hawlgalo lagu baarayo siddeed tuulo oo ku yaalla degmada Bama ee ku taal waqooyi bari ee magaladda Borno.

Cidaanka Neyjeeriya waxaay gareen guulo aad u ballaaran oo ka dhan ah kooxda argagixisada ah, kuwaa oo ku raad jooga dagaalyahannada Hawdka Sambisa horaantii sanadkan.

Boko Haram ayaa lagu eedeeynayaa dhimashadda in ka badan 20,000 oo qof iyo barakac 2.3 milyan oo qof oo kale oo ku nool Nigeria tan iyo Sanadku marku ahaa 2009kii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada