DAAWO: Raysal-wasaarihii Lubnaan ee Sucuudiga isku Casilay oo Go’aan lama Filaan ah Qaatay Markuu dalkiisa tagay

DAAWO: Raysal-wasaarihii Lubnaan ee Sucuudiga isku Casilay oo Go’aan lama Filaan ah Qaatay Markuu dalkiisa tagay

daajis.com:-Raysalwasaaraha dalka Lubnaan Saad Hariri ayaa sheegay inuu aqbalay codsiga Madaxweynaha Lubnaan oo ah inuu sii hayo xilkiisa si loo xoojiyo midnimada wadankaasi.


Saad Hariri ayaa 4tii bishan November dalka Sacuudiga uga dhawaaqay inuu xilka iska casilay, walow la sheegay in arrintaasi ay ku cadaadisay Boqortooyada Sacuudiga oo ka careysan xiriirka wanaagsan oo uu Hariri la sameystay Kooxda Shiicada ah ee Xisbullah oo xubno kuleh Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Lubnaan.

Hariri ayaa Salaasadii dib ugu noqday wadankiisa kadib in ka badan labo todobaad oo uu ku sugnaa Sacuudiga, waxayna dad badan aaminsan yihiin inay halkaasi ku xanibtay dowlada Sacuudiga. Saad Hariri ayaa kahor intuusan Lubnaan ku noqon Sabtidii booqasho ku tagay dalka France oo uu casumaad ka helay, Madaxweynaha France ayaa waday dadaal lagu xalinayo xiisada Lubnaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada