Daawo: Robert Mugabe oo markii ugu horaysay meel fagaare ah lagu arkay

Daawo: Robert Mugabe oo markii ugu horaysay meel fagaare ah lagu arkay

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Zimbabwe Rober Mugabe ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah lagu arkay tan iyo markii ciidamada afgambiga ku rideen Abacadii aynu ka soo gudubnay.


Mr Mugabe ayaa ka qeybgalay xaflad qalinjebin ah oo ka dhacday magaalda Harare ee caasimada Zimbabwe.

Ciidamada ayaa talada la wareegay kadib markii uu soo baxay khilaaf ka jira ciddii bedeli lahayd Mugabe waxana lagu amray Mugabe inuusan ka soo bixin gurigiisa.

Mugabe ayaa loo sacaba tumay markii uu soo galay xaruntii ay ka dhacaysay qalinjebinta iyadoo aysan la socon xaaskiisa Grace iyo weliba Wasiirkiisa Waxbarashada Jonathan Moyo oo ay saaxibo dhow ahaayeen.

Ciidamada ayaa xeryahooda ka soo dhaqaadhaqaay kadib markii uu Mr Mugabe eryay Ku xigeenkiisii Emmanuel Mnangagwa toddobaadkii la soo dhaafay.

Mr Mnangagwa ayaa la aaminsanaa inu yahay qofkii bedeli lahaa Madaxweynaha ugu cimriga dheer caalamka ee Mugabe hase yeeshee waxa uu ka dhigey Madaxweyne ku xigeen kaaxkiisa Grace Mugabe oo afartan sano kayar Madaxweyne Mugabe.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada