Gaari Xamuul Qarax looga shakiyay oo lagu arkay Magaalada muqdisho

Gaari Xamuul Qarax looga shakiyay oo lagu arkay Magaalada muqdisho

daajis.com:- Waxaa Duhurnimadii maanta mar qura lagu kala cararay inta u dhaxeysa Isgoosyada Tarabuunka iyo Warshada Caanaha ee magaalada Muqdisho, kadib markii halkaasi lagu arkay gaari laga shakiyay.

Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Imaaraatka Tababareen ayaa xiray gabi ahaan laamiga isku xira Isgoosyada Tarabuunka iyo Warshada Caanahya, waxa ayna Ciidamada dadka ku amrayeen in aagaasi ka fogaadaan.

Gaarigii Nuuca xamuulka qaada gaar ahaan nuuca loo yaqaan Ina Taree ayaa lagu arkay agagaarka Isbitaalka Xooga, waxaana gaarigan looga shakiyay in waxyaabaha qarxa saaran yihiin.

Sida aan Wararka ku helnay Gaariga laga shakiyay ayaa xiligaasi la waayay cid la joogta, waana mida keentay in gaarigaasi looga shakiyo in waxyaabaha qarxa uu wado.

Xaafadaha ku dhaw dhaw laamiga ayaa inta badan dadkii degnaa ka carareen iyagoo ka cabsi qabay in gaarigaasi saaran yihiin waxyaabaha qarxa uuna dhibaato kasoo gaari karo.

Ciidamada amaanka oo baaritaan ku sameeyay gaarigan ayaa ugu dambeyn ogaaday in uusan wax qarax ah saarneen, waxaana markii dambe goobtaasi yimid dadkii lahaa gaarigaasi.
Magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhaya cabsida ay dadku ka qabaan gaadiidka gaar ahaan kuwa waa weyn oo looga shakiyo in ay qaraxyo saaran yihiin, cabsida ayaana sii korortay tan iyo waxii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe ay ku dhinteen boqolaal qof.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada