Kerry: “Israel iyo Masar ayaa nagu cadaadin jiray in aan weerarno Iraan”

Kerry: “Israel iyo Masar ayaa nagu cadaadin jiray in aan weerarno Iraan”

daajis.com:- Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in Masar iyo israel ay Mareykanka ku caadin jireen in uu bur buriyo Iraan ka hor heshiiskii Nuclearka ee 2015kii.

Kerry waxaa uu sheegay in Benjamin Netanyahu oo ah Ra’isalwasaaraha Israel uu Mareykanka si aad ah ugu adkeynayay in heshiiskaas ka hor la galo Iraan islamarkaana la bur buriyo.

Hayeeshee Mareykanka ayaa iska diiday arrintaas waxaana uu xusay in Waddamada Caalamka oo xal heli kara aysan Mareykanka diyaar u ahayn in ay dagaal kale ka galaan Gobolka sidaasna ku baaqatay qorshihii Israel iyo Masar ee Iraan.

Kerry ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in uusan ogeyn in Iraan ay dib u billaabi karto barnaamijka Nuclear-ka ah horumarintiisa 10-15ka sano ee soo socda hayeeshee Heshiiskii ugu mihiimsanaa ee uu Mareykanka galo uu ahaa kii 2015kii Iraan iyo lixda dal ee dunida ugu awoodda badan wada qaateen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada