Shiikh Muqtaar Roobow iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Xudur

Shiikh Muqtaar Roobow iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Xudur

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Xudur  ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo 13-kii August isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya uu maanta gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Roobow oo ay wehlinayaa xubno uu kamid yahay wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay degmada Xudur, iyadoo maamulka gobolka Bakool ay ugga hortageen garoonka diyaaradaha magaalada Xudur.

Illaa hadda lama oga ujeedka uu u tagay degmada Xudur, hase ahaatee degmadaasi iyo deegaanno ku dhow waxaa ku sugan ciidankii isaga daacada u ahaa.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan Abuu Mansuur uu la kulmi doona mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur galbeed, waxaana la filayaa inuu faahfaahiyo ulajeedka uu u tagay degmada Xudur.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada