Madaxweynaha Masar oo sheegay in dowladdiisu ka qeyb qaadaneyso dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Masar oo sheegay in dowladdiisu ka qeyb qaadaneyso dagaalka Al-shabaab

daajis.com:- Madaxwaynaha dalka Masar Abdel-Fattah Al-Sisi ayaa Arbacadii ku dhawaaqay adkeynta waddankiisa ku aadan midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, kadib markii uu qadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Sisi ayaa yimid intii lagu jiray wicitaan uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), sida ay ku warantay Wakaaladda wararka ee MENA.

Labada Hoggaamiye oo waqti kooban wada hadlayay ayaa isla soo qaaday qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyada oo la sii wanaajinayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa waxa ay dib u eegeen horumarkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka xukuumadda Soomaaliya ay ku soo celisay amniga iyo xasiloonida, si loo fuliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne (Farmaajo) ayaa dhankiisa Al-Sisi ku ammaanay doorka Masaarida ee taagerada waddankiisa iyo taageerada ay u fidiso xasilloonida, wuxuuna sheegay inuu ka rajeynayo hormar intaas ka buuran.

Waxa uu sii faah faahiyay xiisaha uu u qabo sii wadida wadashaqeyn heer sare ah iyo wadatashiyo lala yeesho Masar oo la xiriira arrimaha kala duwan ee danta guud oo ay ka mid tahay la dagaalanka Argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa gaba gabadii bishii August ee sanadkan waxa ay booqasho ku tageen dalka Masar, halkaasi oo ay ku soo qaateen booqasho qaadatay maalmo kooban, wuxuuna la soo kulmay Madaxweynaha Masar oo uu kala soo hadlay arrimo badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada