Maxaa ka jira in Maryan Cabdulaahi oo ku dhimatay Qaraxii Soobe ay aheyd Kirishtaan ?(Daawo Muuqaal)

Maxaa ka jira in Maryan Cabdulaahi oo ku dhimatay Qaraxii Soobe ay aheyd Kirishtaan ?(Daawo Muuqaal)

daajis.com:- Koox Kirishtaan ah ayaa bog ay ku leeyihiin Internetka waxa ay ku sheegeen in Drs Maryan Cabdulaahi oo kamid aheyd dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe ay aheyd Gabar Kirishtaan ah oo iyaga ka tirsaneyd.

Qoraalka ay baahiyeen Kooxdan Gaalada ayaa si kulul waxaa u cambaareeyay una beeniyay Waalidiinta Maryan iyo sidoo kale qaar kale oo kamid ahaa asxaabtii ay wax wada baran jireen.

Aabaha iyo Hooyada Maryan ayaa si wada jir ah u beeniyay dacaayada beenta ah ee laga faafiyay gabadhooda dhimatay, waxa ayna sheegeen in Maryan aheyd gabar diinta Islaamka ku ad adag oon wax shaqo ah ku laheyn warka laga faafiyay.

Sidoo kale Qaar kamid ah ardaydii ay wax wada baranayeen Allaha U naxariistee Maryama ayaa sheegay in Maryan aheyd gabar Muslim ah oo mar walba ilaah ku xirneyd , waxa ayna wax laga xumaado ku tilmaameen dacaayada laga faafiyay.

Allaha u naxariistee Maryama Cabdulaahi ayaa aheyd gabar dhalinyaro ah oo ka qalin jabisay Jaamacada Banaadir, waxaana gabadhan ku geeriyootay Qaraxii Soobe maalin kahor xafladii qalin jabinteeda, warbixinta gabadhan ayaana si weyn u qabsatay Warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamka.

Halkaan hoose ka daawo


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada