Al shabaab oo qabsaday saldhig AMISOM ku lahaayeen Sh/hoose

Al shabaab oo qabsaday saldhig AMISOM ku lahaayeen Sh/hoose

daajis.com:- Ururka Al Shabaab, ayaa xalay la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Rasadaay ee duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Amisom, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii isaga baxay Deegaanka Rasadaay, iyadoona ay muddo gaaban ka dib la wareegeen maleeshiyada Shabaabka.

Ciidamada Uganda, ayaan la garanayn ujeedada ay uga baxeen deegaankaasi, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Amisom oo ku aadan ka bixista ciidamadooda ee Rasadaay.

Maamulka Degmada Baraawe, ayaa waxaa laga soo xigtay in Ciidamada Uganda ay deegaankaasi uga baxeen xeelad dagaal, sababo ku aadan Ciidanka Xoogga Dalka oo dhaqdhaqaaqyo ka wada Gobolka Shabellaha Hoose.

Maamulka, ayaa laga soo xigtay inaanay Shabaabku ku sii nagaan doonin deegaankaasi, maalmaha soo socdana dib looga eryi doono.
Dadka reer Baraawe, ayaa waxay sheegeen in Rasadaay ay muhiim u ahayd goobaha laga difaaco Degmada Baraawe, oo dhawr sano ka hor lagala wareegay mintidiinta.

Dowladda Somaliya, ayaa bartamihii bishan ku dhawaaqday dagaal inay ku qaadeyso kooxaha argagixisada, ka dib qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska 14-ka October (Ex Zoobe).

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada