Cumputerka C/raxmaan C/shakuur oo laga helay xog xasaasi ah iyo Cumar Cabdirishiid oo Waaran Maxkamadeed loo jarayo

Cumputerka C/raxmaan C/shakuur oo laga helay xog xasaasi ah iyo Cumar Cabdirishiid oo Waaran Maxkamadeed loo jarayo

daajis.com:- Macluumaad xasaasi ah oo soo gaaraya Caasimada.net ayaa sheegaya in dhaawaca gacanta ka soo gaaray Siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur uu ka dhashay kaddib markii uu isku dayey in uu qariyo Cumputer Laptob ah oo u yaalay gurigiisa.

Waaxda Tiknaloojiyadda u qaabilsan Ciidamada NISA ayaa ku guuleystay in ay Cumputerkan gudaha u galaan iyagoona ka dhex helay documents xasaasi  ah oo suurta galinaya in uu sii balaarto baaritaanka eedaymaha la xiriira  Khayaamada Qaran ee lagu soo eedeyey Siyaasi Cabdi Rixmaan Cabdi Shukuur iyo labada Xildhibaan ee kala ah, Cabdi Saabir iyo Xasan Macalin.

Inkastoo hay’adda Nabad Sugiddu ay si wayn uga feejigantahay in xogta laga helay Computer-ka Cabdirixmaan Cabdishukuur ay baahdo wakhtigan hadana Caasimada.net waxaa u suurta gashay in ay ogaato in xogta la helay ay ka mid tahay farriimo Email oo lagu tilmaamay kuwo xasaasi ah,sawirro iyo muuqaallo, qorshayaal ka dhan ah xukuumadda oo ku diyaarsan Excel iyo Power Point looguna tala galay in loo soo bandhigo Shakhsiyaad ay ku tiirsanyihiin kooxaha mucaaradka ah.

Wararka xasaasiga ah ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Saraakiil Sare oo ka tirsan Nabad-Sugidda ayaa kulan gaar ah la qaatay Xeer Ilaalinta Qaranka kadib markii baaritaanka ay wadaan uu ku soo lug yeeshay Raiisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirishiid.

Caasimadda.net ayaa loo xaqiijiyey in uu haatan socdo qorshe ka dhan ah Raiisul Wasaare Cumar cabdirishiid kaas oo dhigaya in si deg deg ah loo xiro hadii uu dalka dib ugu soo laabto iyadoona warqaddan loo gudbinayo dhammaan Maamul Goboleedyada dalka si ay ugala shaqeeyaan arrinkan Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.
Sidoo kale, waxaa la aaminsanyahay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waraaq rasmi ah u gudbin doonto dowladda Imaaraatka Carabta taas oo lagaga codsanayo in ay si deg deg ah ugu soo gacan geliso Laamaha Ammaanka Soomaaliya shakhsiyaadka lagu tuhunsanyahay Khayaamada Qaran ee ku sugan Imaaratka sida ay sheegeyso xogta aan ka heleyno.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada