Daawo: C/raxmaan C/shakuur oo hadlay Markii Lasoo daayey “Waa dhamaatay Xilligii Qori wax lagu maquunin Jiray”

Daawo: C/raxmaan C/shakuur oo hadlay Markii Lasoo daayey “Waa dhamaatay Xilligii Qori wax lagu maquunin Jiray”

daajis.com:- Siyaasiga mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa goor dhowayd Warbaahinta kula hadlay  banaanka hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay guuleysatay Cadaaladda, kaddib markii maxkamadda ay go’aamisay in aanu wax dambi ah laheyn, dibna loogu soo celiyay xoriyaddiisa.


C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in dalka laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, isla markaana aan dalka dib loo celinin.

“Waxaa ugu baaqayaa madaxda dalka, waa laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, dalkan xilli dib loo celiyay lama joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, labada guddoonka Baarlamaanka ee Aqalka sare iyo Golaha shacabka, waxaa ugu baaqayaa inay sharciga la tiigsanaa cid walba oo sharciga ka hor timaada”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay la xisaabtamaan cidii mas’uuuliyadeeda gabtay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada